Soo Booqo Machadka Farshaxanka ee Minneapolis Meel lacag la’aan ah oo dhamaan qof walba la soo dhaweynayo, mar walba.

Soo Booqo Machadka Farshaxanka ee Minneapolis
Meel lacag la’aan ah oo dhamaan qof walba la soo dhaweynayo.
Mar walba.

Soo Booqo Machadka Farshaxanka ee Minneapolis
Meel lacag la’aan ah oo dhamaan qof walba la soo dhaweynayo.
Mar walba.

Soo bandhigyada:

Mia wuxuu kugu martiqaaday inaad sahamiso aruurinta joogtada ah ee farshaxanimada ee taariikhiga ah illaa iyo kuwa casriga ah, Aashiyaanka illaa iyo Afrikaanka iyo inaad sahamiso so bandhigyada gaarka ah oo ku hareeraysan matxafka. Soo galitaanka dadweynaha waa lacag la’aan: looma baahna boos la sii qabsado. Soo bandhigyada gaarka ah, fasalada, iyo wadahadalada qaarkood iyo dhacdooyinka gaarka ah ayaa u baahan tikid: waxaa lagu boorinayaa in boos la sii qabsado. https://ticket.artsmia.org/
Bal eeg waxyaabaha aynu soo bandhignay!
https://new.artsmia.org/art-artists/explore/

Keenso Ilmaha

Carruurta iyo qoysaska marwalba waa lagu soo dhaweynayaa Mia. Isticmaal meesha lacaga la’aanta ah ee xayndaabkayaga ciyaaraha oo ay ka mid yihiin buugaagta carruurta iyo alaabta carruurtu ku ciyaarto, iyo sidoo kale musqusha qoyska iyo qolka naas-siinta. Waxaan sidoo kale bixinnaa dhacdooyin bil walba ah oo lacag la’aan ah sida Maalinta Qoyska (Axadda labaad ee bil kasta) halkaas oo qoyskaaga uu ku raaxeysto samayska farshaxanka, sheekooyinka, ciyaaro wax intii la qarsho ka dibna la raadsho oo loogu talagalay carruurta, iyo waxyaabo kale oo badan.
Waannu nahay matxaf weyn, marka si aan u fududaynno nolosha waxaan bixinna kuraasta caruurta oo luga leh kuwaas la tabalcaaraysan karo.

Su’aalaha badanaa la isweydiiyo:

Ma qaadi karaa sawirro?
-Haa. Laakin waxaan idinka codsanaynaa inaad 1) Damisiin nalka flashka 2) Fiirisaan meesha waxa ku qoran: haadii u yahay farshaxan la soo tabalcaaraystay waa la diiday in sawir laga qaado. Haddii aadan hubin inuu farshaxanka yaha mid la soo tabalcaaraystay, weydii ilaaliyaha!

Mia cunno ma hayaa?
-Haa. Cunno iyo cabitaan waxaa laga iibsan karaa meesha lagu magacaabo Agra Culture Cafe.
Sidoo kale waxaa lagugu soo dhaweynayaa inaad cunnadaada soo qaadan karto taasoo aad ku cuni karto meesha hore ee dabaqa koowaad!
(Lama ogola cunno ama cabintaan in loo qaato dabaq aanan ahayn midka koowaad oo la geeyo meesha uu farshanaxka yaallo)

Maxaan u soo qaadan karaa Mia?
-Boorsooyinka yaryar matxafka waa lala gali karaa, laakin boorsooyinka dhabarka, boorsooyinka waaweyn, iyo dalladaha waa looga taaga meesha la gu dhaafi karo kaboodyada oo lacag la’aanta ah.

Mia ma qabaa wifi?
-Haa. Mia wuxuu bixiyaa wifi lacag la’aan ah (Username: Mia-Guest, looma baahna password-word)

Ma ku sawirri kara buug iyo qalin farshaxanka?
-Haa. Waxaad isticticmaali kartaa qalin laabis rusaaska ah ama kuwo kalooraati leh (lama ogola qalin biire) in lagu isticmaalo meelaha farshaxanka yaallo. Dhib ma leh! Waxaad soo qaadataa wax lagu tiirsan karo maadama aanan la ogolayn in lagu tiirsado dulka, darbiyada, iyo alaabaha waaweyn ee wax lagu tiirin karo markii wax gacan lagu sawirayo. Inta aad dhex socotid meela soo bandhigga farshaxanka, fadlan si tartiib ah u sii qaado alaabtaada. Iskana ilaali qalinnadaas laabiska ah oo isha ku hay!

Soo Galitaanka:
Kuraasta Curyaanka:
Kuraasta curyaanka waxaa lagu heli karaa sida dadka ay u soo kala horreeyaan, waxaa la aqbalaa in boos la sii qabsado ugu yaraan 24 saac ka hor maalinta aad imaanaysid. Fadlan wac, (612) 870-3000, si aad u sii qabsato kursiga curyaanka inaad imaan ka hor.

Qalabyada Kalkaaliya Wax Dhagaysiga:
Qalabyada kalkaaliya xax dhagaysiga, oo ay ka mid yihiin kuwa qoorta lagu xirto, waxaa la heli karaa ayyagoo lacag la’aan ah markii uu tilmaame u hagayo koox koox ama markii ay jiraan barnaamijyada dadweynaha ee lagu qabto qolka Pillsbury Auditorium. Waxaad ka codsan kartaa Meesha Macluumaadka oo ku yaal dabaqa koowaad markii koox koox tilmaamaha uu hagayo ama albaabka qolka Pillsbury Auditorium markii ay jiraan barnaamijyada lagu qabanayo qolkaas.

Musqulaha:
Musqulaha galitaankooda waxaa lagu aqoonsanayaa calaamado waxayna ku yaallaan dabaq walba. Fadlan eeg khariidadda soo booqashada matxafka si aad u ogaatid meela ay ku yaallaan. Musqusha Xarunta Qoyska ee ku taal dabaqa koowaad waxay leedahay meel gaar ah oo kula gali qof kula socda oo ku caawini kara.

Xoolada Adeegyada:
Xoolada adeegyada sida eeyaha wax haga waa la ogolyahay si ay caawiyaan dadka soo booqanaya matxafka.

La Xiriir:
Na soo wac ama iimayl noo soo dir xagga wixii su’aalo ah.
Soo wac: (612) 870-3000
Iimayl u soo dir: visit@artsmia.org

Ma doonaysaa inaad la socoto waxa ka dhacaya Mia?