Qorshee Booqashadaada

Sii Qorshee Booqashadaada

Ku soo noqod wanaagsan Mia, markasta oo aad jeceshihiin in aad na soo booqataan. Goobtayadu way furan tahay waxaadna ka heleysaan waxyaabo fara badan oo aad jecleysaneysaa, kuwo duug ah ama cusub. Iminka, waxa kaliya ee ay sugayaan waa booqashadiina.

Goobta oo iminka furan waxa ay ka dhigan tahay in aad ogoshahay in aad u hogaansanaato tilmaamaha CDC, gobolka Minnesota, iyo Magaalada Minneapolis. Waxaanu rajeyneynaa in aanu kula kulano. Waxa aanu la soconeynaa xaaladda annaga oo wax uga bedeleyna hadba sida loogu baahdo.

Waxaa booqashada lagu tarjumayaa Spanish, Somali, Hmong, Dakota, iyo Anishinaabe.

Tigdhada

Goobta dadweynaha oo dhan u furan waa lacag la’aan, tigidh lagaagama baahna.
Tigidhada waxaa lagaa doonayaa oo kaliya xafladaha gaarka iyo bandhigyada. Ka xajiso barta internetka ama soo wac: 612.870.3000.

Af kuduubashada (Maaskaro)

Iyada oo la raaciyo tilmaamaha CDC, waxaa si adag loogu adkeynayaa in dhamaan dadka booqanaya xirtaan af daboolka iyada oo aan loo eegin xaaladda talaalkooda.

Saacadaha Matxafka

  • Isniin: Xiran
  • Talaado 10 aroornimo-5 galabnimo
  • Arbaco 10 aroornimo-5 galabnimo
  • Khamiis 10 aroornimo-9 fiidimo
  • Jimce: 10 aroornimo-5 galabnimo
  • Sabti: 10 aroornimo-5 galabnimo
  • Axad: 10 aroornimo-5 galabnimo

Gelitaanka, Sida lagu tago, iyo Goobaha gaadiidka la dhigto

Fadlan ka soo gal oo ka bax Mia dhinaca Wadada Sadexaad. Goobaha kale ee laga soo galo Mia way xirnaanayaan ilaa amar dambe. Guji halkan si aad u ogaato sida ugu haboon ee aad ku tagi karto Mia iyo macluumaadka goobaha gaadiidka la dhigto. Goobaha gaadiidka la dhigto ee wadada Sadexaad ayaa ah mid la geli karo adiga oo aan meelna taaban. Halkan kala soco sida aad ku tegi kartaan halkaas.

Soo booqa bogga internetka ee matxafka oo ka daabaco khariidadda matxafka ka hor inta aadan soo booqan! Halkan ka arag, kala soo dag oo ka daabaco.

Badbaadada dadka booqanaya

Af kuduubashada (Maaskaro)

Iyada oo la raaciyo tilmaamaha CDC, waxaa si adag loogu adkeynayaa in dhamaan dadka booqanaya xirtaan af daboolka iyada oo aan loo eegin xaaladda talaalkooda.

Kala Fogaashaha

Kala fogaashaha ma aha waajib wixii iminka ka dambeeya. Laakiin waxaa jira dhul aad u balaaran oo gaarsiisan 545,000 oo dhudhun oo labalaab ah gudaha matxafka.

Talooyinka Caafimaadka

Fadlan gacmahaaga dhaq oo mari daawada nadiifinta ka hor inta aadan taaban alaabada taala dukaanka. Dhismaha oo dhan waxa aad ka heleysaan daawada gacmaha lagu nadiifiyo.

Dalxiiska iyo Kooxaha

Safarada gaarka ah iyo kuwa kooxaha dadweynaha ayaa diyaar ah. Booqo artsmia.org/programs/tours/ si aad wax badan uga ogaato.

Nadaafad dheeraad ah

Dhaqangelinta istraatiijyad lagu yareynayo khatarta iyo nadiifinta goobaha dadweynaha gaar ahaan goobaha taabashada ku badan tahay sida gacan qabsiga albaabada, lambarada wiishka, makiinadaha cabitaanka laga iibsado, suxuunta, gacan qabsiga jaranjarada, musqulaha, oogada sare ee miisaska iyo goobaha biyaha laga cabo ayaa la kordhinayaa. Shaqaalaha nadaafadda ee loo xil saaray ayaa xooga saaraya nadiifinta oogada sare ee goobaha ay taabashadu ku badan tahay, taasoo ku saleysan habka u degsan OSHA, talo soo jeedinta CDC iyo MDH.

Waxaa intaa dheer in la raacayo habka ugu haboon ee nadiifinta, si loo yareeyo khatarta, taasoo ay ka mid tahay kordhinta wareegga hawada iyo xoojinta nadiifiyayaasha hawada.

Su’aalaha Ku Saabsan Booqashadeyda

Miyaa la iga doonayaa in aan heysto tigidh?

Lagaama doonayo in aad heysato tigidh goobaha dadweynaha u furan. Tigidhada waxaa lagaa doonayaa oo kaliya xafladaha gaarka iyo bandhigyada.

Ma waajib baa in la kala fogaado?

Inkasta oo aysan waajib aheyn in la kala fogaado, waxaa jira dhul aad u balaaran oo gaarsiisan 545,000 oo dhudhun oo labalaab ah gudaha matxafka.

Suurogal ma tahay booqashada kooxaha wada socda?

Iminka waa la soo dhaweynayaa dadka koox ahaan u wada socda. Haddii aad dooneysaan in aad ku soo booqataan wax ka badan 10 qof, fadlan soo waca marka hore: 612.870.3000.

Meel la dhigo ma helayaa jaakadda iyo bacda aan wato?

Haa! Waxaa jira goobo loogu talo galay in dadku jaakadaha dhigtaan. Fadlan ogsoonoow in Mia aysan mas’uul ka aheyn alaabada aad dhigataan halkaas, waxyaabaha ku jira, iyo waxyaabaha habeenkii looga tago halkaas. Boorsooyinka ka balaaran 15 in. x 15 in. looma ogola matxafka waana in dibadda lagu dhaafaa. Sababo la xiriira amaanka, waxa aan xaq u leenahay in aan baaritaan ku sameyn karno alaabada oo dibadda uga saari karno matxafka.

Mala heli karaa qalabka dhagaha la gashto ee lagula socdo booqashada matxafka?

Mia ma kireyneyso qalabka dhagaha la gashto ee xarunta Mia. Fadlan ka soo gal artsmia.org/explore si aad u dhageysato Audio Stops, ArtStories, iyo waxyaabaha kale ee la xiriira keydka Mia. Waxa aad ku ogaan kartaa haddii shayga aad dooneyso leeyahay maqal adiga oo ku baara lambarka gelitaanka “accession number” ama magaca cinwaanka. Waxa kale oo aad ku ogaan kartaa haddii warqad midab leh ku dhagan tahay. Lambarka ku qor halka laga baaro si aad u ogaato inuu maqal leeyahay.

Ma jiraan dalxiisyo dadweyne?

Haa! Fadlan booqo artsmia.org/programs/tours/ si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan tafaasiisha socdaalka iyo jadwalka.

Mala furayaa dukaanka Mia iyo Agra Cafe?

Haa! Dukaanka Mia iyo Agra Cafe waxa ay furnaanayaan saacadaha matxafka furan yahay.

Waa maxay nidaamka u degsan booqashada?

Machadka farshaxanka ee Minneapolis waxaa ka go’an inuu idiin diyaariyo degaan amaan ah, la wada tegi karo, iyo goob ay u siman yihiin dadka booqanaya, shaqaalaha iyo mutadawiciinta. Si loo helo goob amaan ah oo dhiiri gelisa ixtiraamka qof kasta ee Mia, waxa aanu ka dooneynaa in dhamaan dadka ka fogaadaan dabeecadahan:

  1. • Xadgudub afka ama jirka ah oo loo geysto dadka booqanaya, shaqaalaha iyo mutadawiciinta.
  2. • Muujinta ama soo bandhigidda hadal naceyb ku dhisan ee goobaha taariikhiga ah ee horey u jiray iyo kuwa iminka jira.
  3. • Ixtiraam daro loo geysto aqoonsiga dadka booqanaya, shaqaalaha, iyo mutadawiciinta.
  4. • Qalalaase ama qashqashaad loo geysto dadka booqanaya, shaqaalaha iyo mutadawiciinta.
  5. • Isku day tuuganimo ama jabsasho.
  6. • In si bareer ah dadweynaha loooga hor istaago gelitaanka matxafka iyo in shaqaaluhu gutaan hawshooda.
  7. • In la diido raacitaanka nidaamka booqdayaasha ama amarka shaqaalaha

Haddii dabeecadaha kor ku xusan dhacaan, ama la soo gaarsiiyo, shaqaalaha Mia, booqdayaasha waxaa laga qaadayaa talaabo ay ka mid noqon karaan laakiin aan ku koobneyn in laga eryo ama laga mamnuuco matxafka. Go’aanka ugu dambeeya ee talaabada laga qaadayo waxaa gaaraya shaqaalaha Amaanka.

Si aad u ogaato xog dheerad ah ee nidaamka soo booqo halkan